Puntland oo fariin culus u dirtay Ciidamada Dowladda oo dagaal xooggan Alshabaab kula wajahaya Hirshabeelle

Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dalka ee u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaliya iyo Alshabaab, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ka socday deegaannada Hirshabeelle oo kooxdu ay soo saartay culeys xoog leh.

Deni oo bogaadiyay ciidamada Dowladda ee dagaalada uga jira Alshabaab ayaa sheegay in ay u dhimanayaan difaaca dalkooda iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen waxa uu ugu yeeray argagixisa ee meelkasta oo dalka ay kaga suganyihiin.

Saciid Deni ayaa u rajeeyay Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Hirshabeelle in dagaalka socda ay ka adkadaan Kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ee dagaalka kawada deeganadaasi, isagoo ku baaqay in aan la siyaasadeen guud ahaan Amniga dalka.

Sidoo kale, Madaxwayne Deni oo soo qaaday halka uu marayo howlgalka Ciidanka difaaca Puntland ee ka dhanka ah Kooxda Daacish ee ka socda Buuraha Calmiskad ayaa xusay in si xoog leh ciidanku ay u wadaan howglka ka dhanka ah kooxda.

Waxuu balan qaaday inaysan dib dambe gor-gortan uga galaynin Amniga Puntland oo dhiiga askarta uusan noqon doonin mid si cayaar ah ku daatay, isagoo sii raaciyay inaysan jir cid kale oo wax amniga la xiriira loogu dulqaadan doono.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed