Dagaal soo gaaray gabbal dhicii caawa oo u dhexeeyey Ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish oo isku wajahay buuralayda Cal-miskaad ayaa waxaa ka dhashay dhimnasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
In ka badan 5 askari oo ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday, tiro intaa ka badane waa ku dhaawacmeen, ka dib markii maanta qaraxyo lala eegtay labo gaari oo nuuca dagaalka ah oo ay la socdeen.
Puntland ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dishay ku dhowaad 40 xubnoo oo Ajaaniib u badan, tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacday.
Qaraxyadan ayaa dhacay xilli ciidamada Puntland ay howlgallo ka sameynayeen deegaano ka tirsan buuraha Calmiskaad oo ay Daacish ku sugan yihiin, si gaar ah deegaanka Dharin oo dhaca Tog-Jacee, ka dibna uu dagaalku uga sii talabaay deegaanka Qurac, oo ah mid ka mid ah meelaha ay ku xooggan tahay Daacish.
Sidoo kale, waxay carrbaabtay inay la wareegtay dhammaan deegaanadii ay ku sugnaayeen kooxda Daacish ee maanta dagaalka ay kula galeen oo kala ah Dharin oo dhaca Tog-Jaceel iyo deegaanka Qurac ee buurtaha Calmiskaad.
War kooban oo kasoo baxay howlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah dagaalamaayaasha Daacish la dilay, halka qaar kalena ay baxsadeen.
Dagaalka ayaa ku soo aaday, maalin ka dib markii ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen madaxii kooxda ee dilalka Qorsheysan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Loohaar, kaasi oo horey dil loogu xukumay.
HBN ONLINE TV