Puntland oo eedeyn culus u jeedisay Turkiga & Qadar

Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray hadal aad u kulul oo ku aadan eedeyn ka dhan dalalka Turkiga iyo Qadar taasi oo la xiriirta dagaalka maamulku kula jiro kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda gobolka Bari.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo si adag uga hadlay arintan ayaa warbaahinta u sheegay in xiriir fikradeed iyo mid urur uu ka dhaxeeyo kooxda Daacish Ikhwaanul-Muslimiin oo uu tilmaamay in taagero ay ka hesho dalalka Qatar iyo Turkiga, taasine ay sabab tahay waa sida uu hadalka u dhigaye “in kooxaha xagjirka ah ay helaan taageero ka baxsan” gudaha Soomaaliya.

“Daacish waa Ikhwaanul-Muslimiin, Ikhwaanulkuna Qatar iyo Turki baa taageera. Taasi waa sababta Midle East Eye oo Qatar leedahay, wariyayaashii hore ee Al-Jazeera & basaasiinta Turkigu ay dacaayado ka dhanka ah Puntland u soo qoraan.” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Inkasta oo aanu soo bandhigin cadaymo loo qaateen ah oo lagu ayidi karo hadalkiisa, hadane hadalkiisa ayaa ku soo aadaya iyadoo warbaahinta bariga dhexe ay bilihii la soo dhafay tabiyeen in garoonka Boosaaso uu udub dhexaad u noqday dagaallada ka socda Suudaan, lagana gudbiyo kooxo colooshood u shaqeystayaal ah & sahay Ciidan.

Hadalkan oo ah kii ugu adkaa ee maamulka Puntland ku weeraro Turkiga iyo Qadar sanadihii u dambeeyay, wuxuu si cad u muujinayaa in Puntland ay ku eedeynayso labadan dal faragelin siyaasadeed iyo mid warbaahineed oo lagu beegsanayo maamulka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan ololeyaal “si farsamaysan loo hagayo” oo lagu wiiqayo sida uu hadalka u dhigay amniga Puntland iyo dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda Cal-Miskaad ee gobolka Bari.

Ilaa hadda, dowladaha Turkiga iyo Qadar kama aysan jawaabin eedeynta culus ee maamulka Puntland, balse hadalka ka soo yeeray Garoowe wuxuu sii kordhinayaa xiisadda siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan xilli khilaafka Puntland iyo DFS uu weli cakiran yahay.

Dhanka kale, wasiir Caydiid ayaa sheegay in wadahadalo u socdaan dowladda iyo Alshabaab oo ku aadan awood qeybsiga, halka uu tilmaamay in wasiiro ka tirsan dowladda waa sida uu hadalka u dhigay ay ka mid yihiin kooxda.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed