Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland ayaa soo saartay digniin culus oo ku socota dhammaan shacabka ku dhaqan deegaanada miyiga iyo magaalooyinka, iyadoo war ka soo baxay maamulka lagu sheegay in dadku si dhab ah u qaadaan bayaanka.
Digniintan ayaa lagu carrabaabay in dhamaan bulshada reer Puntland ay ka fogaadaan dhulka meelihiisa biyo mareenada togaga ah, dooxooyinka iyo meelkasta oo looga cabsi qabo in daad ka yimaado, maadaama roobabka gu’ga ka curteen, deegaanada qaarna daadku ka gaysan karo khasaare naf iyo maalba leh.
“Waa Ilaahay mahadiis ah in uu inoo curtay roobkii Gu’ga, Saadaashana waxaa ka muuqanaysa rajo fiican in asbuuca roobeedka 10-ka ilaa 16-ka April 2025 in deegaanada Puntland ay helayaan 50 ilaa 100mm, balse hadda meelaha roobku ka da’ay waxaa daadad gaystay khasaare naf iyo maal ah” ayaa lagu yiri warka Puntland.
Wasaaradda oo ka duuleysa xogta khasaarihii hore ee ka dhashay roobabkii da’ay ayaa tiri “wasaaraddu waxay uga digaysaa shacabka reer Puntland, gaar ahaan dadka reer miyiga ah iyo kuwa deggan meelaha u dhow togagga, dooxooyinka, biyo-mareennada, iyo meelaha godan, in ay si degdeg ah uga feejignaadaan una fogaadaan meelahaas si looga hortago waxyeelo ka dhalata daadadka”.
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland ayaa ku boorisay dhammaan shacabka Puntland in ay qaataan digniintan si loo ilaaliyo naf iyo maal, iyadoo rajaynaysa in roobka Gu’gu uu noqdo mid barwaaqo keena oo aan waxyeello wadan.
HBN ONLINE TV

