Puntland oo digniin iyo cabasho ka muujiyey qorshe ay sheegtay inay Dowladda Soomaaliya ka wado maamulka Waqooyi Bari

Maamulka Puntland ayaa ka digay safar uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ku tegayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isagoo ku eedeeyay in booqashadaasi ay salka ku hayso sida hadalka loo dhigay kicin colaadeed iyo hurinta xiisado hor leh oo ka dhex aloosma gobolka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan uu ku howlan yahay wax uu ugu yeeray “abaabul ciidan” oo lagu wiiqayo Somaliland, isla markaana uu gobolka Sool u daabulayo ciidamo, isagoo ku marmarsiyoonaya go’aanno siyaasadeed oo dhawaan la sheegay inay qaadatay Israa’iil.

Sidoo kale, Wasiir Caydiid wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay inuu qorsheynayo heshiisyo lala galo dowladda Turkiga oo lagu doonayo in saldhigyo milatari laga hirgeliyo degaanno ka mid ah Puntland, taasoo uu ku tilmaamay mid halis ku ah amniga Geeska Afrika, inkasta oo dalka ay dowladdu iyadu si sharciyan ah xaq u leedahay wax walba oo gudaha dalka ka dhacaya. Wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha Soomaaliya uu ku fashilmay sugidda amniga Koonfurta iyo Bartamaha dalka, isla markaana uu doonayo in xasillooni-darro loo raro degaannada nabadda ku caanbaxay.

Hadalkan ayaa imanaya xilli la hadal hayo in Madaxweyne Xasan Sheekh booqasho ku tago Waqooyi Bari, wallow aanay Villa Soomaaliya xaqiijin arintan.

Puntland waxay sheegtay in booqashadan uu madaxweynuhu doonayo inuu beesha caalamka ugu muujiyo in Dowladda Federaalka ay maamusho qaybo ka mid ah gobollada Waqooyi, arrintaas oo ay ku tilmaantay mid sii hurin karta xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed