Puntland oo Dhahar ku xirtay Itoobiyaan u socday Boosaaso

Ciidamada maamulka Puntland ayaa goordhow ku xiray magaalada Dhahar dad Itoobiyaan ah, ka dib markii ay ku soo wargaliyeen dadka shacabka ah.

Dadka la xiray ayaa tiradooda lagu sheegay inay gaareyso 5 ruux oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, kuwaa oo safar ku ahaa magaalada Dhahar.

Shanta qof ayaa ciidamada Puntland oo si kooban uga halday tilmaameen in ay u socdaalayeen magaalada Boosaaso.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa xili saaka Puntland ay ka bilaabay raafka dadka ajaaniibta ah ee aan heysan sharciga, kuwaa oo howlgalo lagu qabqabanayo ay ka bilowdeen magaalooyinka waa weyn ee Puntland.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed