Puntland oo bilowday howlgal deegaannadeeda ay kaga raafeyso ajaaniibta sharci darrada ku jooga

Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland waxaa saaka laga bilaabay howlgal lagu raafayo ajaaniibta sharci-darrada ku joogta gudaheeda iyo magaalooyin kale, ka dib amar ka soo baxay maamulka.

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira qabashada qof kasta oo ajnabi ah oo aan haysan sharci sax ah. Inta badan ajaaniibta ku sugan Garowe, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Itoobiya iyo dalal kale, ayaa saaka lagu qabqabtay waddooyinka iyo suuqyada magaalada, halka xaafadaha laga baadi goobayo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa dhowaan soo saartay warqad ay ku amraysay in aan la shaqaaleysiin karin iyo aan lala samayn karin wax macaamil ah dadka soo galootiga ah ee aan sharci haysan.

Shir ay shalay isugu yimaadeen hay’adaha amniga Puntland ayaa lagu go’aamiyey in si buuxda loo xiro xuduudaha Puntland, iyadoo la qorsheynayo in dalka laga saaro ajaaniibta aan sharciga haysan.

Shirkadaha ay ajaaniibtu u shaqeeyaan ayaa lagu amray inay 72 saac gudahood xogtooda soo gudbiyaan, halka hoteellada laga dalbaday inay 24 saac walba xogta macaamiishooda u diraan Wasaaradda Amniga iyo haddii shaqsi ku soo kordho

Magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso ayaa sidoo kale laga mamnuucay joogitaanka ajaaniibta sharci-darrada ah. Waxaa la soo aruuriyey boqolaal qof oo u dhashay dalalaka Suuriya, Yemen iyo Itoobiya sida aan kasoo xiganeyno warbaahinta Maamulka Puntland.

Arrintan ayaa imanaysa xilli Ciidamada Difaaca Puntland ay buuraha Calmiskad kula dagaallamayaan kooxda Daacish, kuwaas oo badankood ah ajaaniib ka soo jeeda dalalka Carabta iyo Itoobiya.

Dhowr maalmood ka hor ayay ciidamada booliiska Boosaaso ayaa toogtay nin ajnabi ah oo qarax ku aasay wado halbowle ah. Gurigii uu daganaa ayaa laga helay walxaha qarxa oo diyaarsanaa. Ciidamada Puntland ayaa shalay sheegtay inay ku guuleysteen in la soo qabto shabakad ajaaniib ah oo lala xiriiriyey ninkaasi, kuwaas oo lagu eedeeyey falalka amniga lidiga ku ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed