Puntland oo beesha Caalamka waydiisatey kaalmo ciidan si loo dhameystiro Daacish iyo Alshabaab oo ay dagaal kula jirto

War saxaafadeed ka soo baxay Puntlad oo lagu sheegay in Dawlda Federalka Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ay ka go’doomiyeen sida hadalka loo dhigay taageerada beesha Caalamku ugu talagashay la dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixasada ayaa  maamulka waxaa uu ka dalbaday taageero Xubnaha Beesha caalamka.

Warqad lagu faahfaahiyey dagaalka Puntland ay kula jirto kooxaha Dacish iyo Al-Shabaab oo lagu tilmaamay kuwa gabood fallo badan gaystay ayaa hadane lagu carrabaabay in Puntland ay guulo ka soo hooyay howlahooda shantii bilood ee la soo dhaafay.

“Inkastoo ay ka go’doomiyeen dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo howlgalka taageerada ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ciidamada Puntland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani ayaa guulo ka soo hooyay howlahooda shantii bilood ee la soo dhaafay” ayaa lagu yiri warka Puntland.

Puntland ayaa ku boorisay beesha caalamka in ay u fidiyaan kaalmo ciidan si ay uga gacan geystaan ​​ciribtirka khatarahaas argagixisada, loona gaaro horumarinta nabadda iyo xasilloonida caalamka. Puntland ayaa ku dooday in ay Ciidamadooda aanay wax taageero ah ka helin dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo ciidamada ATMIS.

Wakiilka Puntland u qaabilsan dalalka Benelux iyo Midowga Yurub oo soo saaray warkaan ayaa ugu baaqay dhammaan xubnaha beesha caalamka inay si hufan uga qayb qaataan dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed