Puntland oo beesha caalamka ugu baaqday in wada shaqeyn toos ah iyaga la yeeshaan, ayna dhamaatay sharciyadda hay’addaha DFS 

Golaha wakiillada Xukuumadda Puntland ayaa shir maanta ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Garoowe ku soo saaray war-murtiyeed adag oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib markii ay sheegeen in ay dhammaatay sharciyaddii hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS.

Go’aankan ka soo baxay shir Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegtay in muddo xileedkii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu dhammaaday 15-kii bishaan May 2026, isla markaana aanu hadda haysan sida hadalka loo dhigay sharciyad uu ku sii adeegsado awoodda madaxtinimada.

Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in muddo xileedkii Baarlamaanka Federaalka uu dhammaaday bishii April 2026.

Warsaxaafadeedka Puntland ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad kala guur ah, iyadoo maamulka Puntland uu ugu baaqay beesha caalamka inay wada shaqeyn xaddidan la yeeshaan dowladda federaalka ilaa laga helayo hay’ado cusub oo sharciyaddooda lagu heshiiyey.

Puntland ayaa sidoo kale cambaareysay waxa ay ku tilmaamtay faragelin lagu hayo doorashooyinka dowlad goboleedyada, waxayna ku eedeysay dowladda federaalka cadaadis iyo xarig loo geysanayo qaar kamid ah shacabka ku nool Muqdisho.

Ugu dambeyn, maamulka Puntland ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan ilaalinta dowladnimada iyo xasilloonida dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed