Wasaaradda Warfaafinta ee maamul-goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku beenisay sheegashada dawladda Faderaalka ee ah in ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah ay dileen 20 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib hawlgal ay ka fuliyeen maamul-goboleedka Puntland.
Hadalkan ayaa la sii daayay iyada oo looga jawaabayo warbixin ay soo saartay dowladda federaalka shalay oo Isniin aheyd.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa ku adkeysaneysa in war-saxaafadeedka dowladda Federaalka uu yahay mid been abuur ah oo lagu marin habaabinayo dadka. Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay in Puntland ay awood buuxda u leedahay in ay maareyso amnigeeda, ayna ka go’an tahay in deegaanadeeda ay ka sifeyso kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale muujiyay sida ay Puntland uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida xuduudaheeda iyo guud ahaan gobolka.
Diidmada Puntland ayaa noqotay mid aan la fileyn, iyadoo warbixinta dowladda Federaalka ay noqotay mid si weyn loo faafiyay, lana rumeysan yahay inay tahay mid sax ah.
Dhacdadan ayaa su’aal ka keenaysa isku xirka iyo xiriirka ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa si gaar ah isha ugu heysa sida uu xaalku noqon doono iyo haddii ay saameyn ku yeelan doonto dadaallada ballaaran ee lagu xasilinayo Soomaaliya, laguna horumarinayo nabadda iyo amniga dalka.
HBN NEWS DESK