Markabka wata calanka waddanka Comoros ee siday hub, islamarkaana ay muddo ka badan laba toddobaad hayeen ciidamada maamulka Puntland ayaa la sii daayay waxaana la sheegayaa inuu haatan ku sii jeedo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Siideynta markabka MV Sea World ayaa timid kadib markii safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş uu safar ku tegay magaalada Boosaaso oo uu kulan kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Markabkan waxaa markii hore lagu qabtay xeebta degmada Bareeda ee gobolka Bari, iyadoo la sheegay inuu siday hub tiro badan, taasoo keentay in maamulka Puntland uu bilaabo baaritaan ku saabsan asal iyo ujeedada shixnadda hubka ah.
Sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Puntland dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in hubka saarnaa markabka uu ahaa mid u socday saldhigga milateri ee TURKSOM ee ku yaalla magaalada Muqdisho, kaasoo ay Turkigu ku tababaraan ciidanka Soomaaliya. Shixnadda sidoo kale waxay ka koobnayd agab ganacsi oo loogu talagalay ganacsato Soomaaliyeed. Arrintan waxaa sidoo kale xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay safaaradda Turkiga oo ku saabsan qaabka loo sii daayay markabka ama duruufihii ku xeernaa dhacdadaas.
HBN ONLINE TV