Maamulka Puntland ayaa xildhibaaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in sida hadalka loo dhigay in xilka laga qaado Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirrir oo shir gaar ah isugu yeeray warbaahinta ayaa khudbad uu kaga hadlay xaaladaha kala duwan ee siyaasadda dalka, gaar ahaanna dhacdooyinkii ugu dambeeyey waxaa uu soo hadal qaaday arinta ku aadan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha dalka.
Sida oo kale wasiir Caydiid ayaa dalabkiisa Baarlamaanka ku daray in isna xilka laga qaado guddoomiyaha golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, waa sida ray’giisa ay la tahaye.
“Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxaan ugu baaqayaa inay xilka ka qaadaan Madaxwayne Xasan Sheekh iyo Gudoomiye Adan Madoobe” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.
Khilaafka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa noqday mid gaaray meel adag, kaasi oo sababay in dhowr jeer maamulka uu hadalo kulul iyo eedeymo u jeediyo.
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan dhawaaan uu isugu yeeray xarunta madaxtooyada qaranka Xildhibaanada labada gole ayaa u sheegay in diyaar u yahay xalinta wixii tabasho ah ee jira.
Waxaa xusid mudan in Puntland ay horey ugu dhawaaqday inay wadashaqeyntii kala laabatay dawlada Soomaaliya, haddana waxay qayb ka tahay khilaafka iminka ka jira dalka kaasi oo ku saleysan kala aragti duwanaanshaha arrimaha masiiriga ah.
HBN ONLINE TV