Maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in dib loo soo celiyo hub fudud oo laga dejiyey markabka SeaWorld, kaasoo ay ciidamada ammaanku qabteen xilli uu marayay xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Bari.
Sida ku cad amar rasmi ah oo ka soo baxay xeer-ilaalinta guud ee Puntland, markabkan oo sida la sheegay siday hub ayaa ku soo xirtay xeebta Bareeda 18-kii bishaan Luulyo, iyadoo wararku sheegayaan in qeyb ka mid ah hubkii saarnaa uu gaaray gacmaha dad rayid ah taasi oo si caro leh Xukuumadda Puntland uga falcelisay.
Sidoo kale Taliyaha booliska gobolka ayaa lagu amray in uu soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo ku saabsan sida hubka loo kala qaaday, cidda heshay iyo cidda masuulka ka ahayd.
“Sidaa darteed waxaa la farayaa Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Raasa-casayr, in aad xafiska la soo wadaagto warbixinta Markabka Sea Warld iyo hubka gacanta shacabka galay, iyo cidda ka masuulka ah. Fiiro gaar ah waxaa sidoo kale lagaa doonayaa in aan warbixinta ku soo lifaagdo dadka fuulay Markabkan xogtooda oo dhamaystiran” ayaa lagu yiri warka xeer ilaalinta Puntland.
Ujeeddada baaritaanka ayaa ah in la helo cidda masuulka ka ah arrintan, isla markaana dib loo soo celiyo xasilloonida gobolka.
Xog la xariirta Yaa iska leh hubka saaran markabka lagu qabtay xeebaha Puntland?
HBN ONLINE TV