Laamaha Ammaanka maamulka Puntland oo baahiyey xogta koox la sheegay in yihiin kuwii ka baxsaday xabsiga magaalada Gaalkacy ee Puntland maamusho ayaa sheegay in la abaal mari doono qofkii keenna xog sahleys helida raggaas baxsadka ah.
Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in lagu abaal mari doono $20,000 (labaatan kun oo doollar) Qofkii hela xogta Abdiqani saleeban jama (Sayloor), Barkhad Awal xirsi, Abdulaahi Faysal Xuseen (Abuujonge) iyo Cabdiraxmaan Awal maxamed (Siigayste).
Shakhsiyaadka baxsaday oo loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada Gaalkacyo ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed.
Waxaa lagu eedeeyey in dad u fududeeyeen bixitaanka xukunsanayaasha sida uu sheegay duqii hore ee magaalada Gaalkayo xildhibaan Cabdiladiif Muuse Sanyare, isaga oo wax laga xumaado ku tilmamay in dad xukunsayaal ah 3 sano xabsi ku jiraan.
Sidan oo kale 2022-kii ayey xubno ku xukunaa dil toogasho ka baxsadeen xabsigan gaarka ah, Wakhtigaas maamulku ma aysan cadayn in xubnahii baxsaday la soo qabtay iyo in kale.
HBN ONLNE TV