Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta sheegay in howlgal ay ka sameeyeen degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal ay kusoo qabteen khamri, hub iyo gaadiidkii lagu waday, kaddib howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen magaaladasi.
Howlgalka oo socday 24-saac ayaa la tilmaamay in lagu soo qabtay laba gaari oo nooca Probox ah, laba eedeysane, laba qori, laba boosh, 16 kartoon iyo 10 dhalo oo khamri ah.
Taliyaha Saldhigga Booliska Buurtinle ee Puntland Axmed Saandal, iyo masuuliyiin kale oo ciidan ayaa si wadajir ah u soo bandhigay khamriga iyo agabka kale ee ay ciidamadu qabteen.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in eedeysanayaasha iyo agabka la qabtayba loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda si sharciga loo mariyo.
HBN ONLINE TV

