Puntland iyo Somaliland oo is waydaarsanaya ku dhawaad 30 Maxbuus

Maxaabistii ka soo jeeday Somaliland ayaa saaka laga qaaday magalaada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyaga oo ku sii jeeda dhinaca magaalada Hargeysa, waxaana ay ka qeyb yihiin heshiisyo aan la shaacin oo la isku dhaafsanayo tiro maxaabiis ah oo gaaraya 26 ruux.

Puntland oo bilowday wajiga koowaad ayaa sii daysay 15 Maxbuus, waxaana ay isla maanta heli doontaa 11 looga hayay Somaliland oo diyaaradda raaca hore geysay dib ugula soo noqon doonto Garowe.

Is dhaafsiga maxaabista labada dhinac ayaa ah mid si weyn isha loogu hayo loona soo agaasimay, iyada oo sawirrada kuwa laga qaaday Garowe la soo bandhigay balse weli Hargeysa la sugayo.

Horay, Dowladda Soomaaliya ayaa u bilowday in Maxaabiis is dhaafsadaan dhinacyada dirirta culus ka dhexeyso ee SSC-Khaatumo iyo Somaliland, waxaana dhamaadkii bishaan Abril Hargeysa ka degay 25 ruux oo duruufo adag qabay, inaksta oo Xukuumadda Hargeysa hoos u dhigtay soo dhaweyntooda, aanna laga helin wax intaasi dheer. Somaliland waxay siideysay hal maxbuus oo ahaa wiil da’yar oo lagu qabtay sida la sheegay dagaallo Ciidamada Somaliland iyo Khaatumo ku dhexmaray gobollada Sool iyo Sanaag.

Isha ku haay HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed