Puntland iyo Jubbaland oo ku biiray dhaliilaha Mucaaradka ee ka dhanka ah DFS

Xaalad siyaasadeed oo cusub ayaa ka dhalatay dhaliilaha culus ee loo jeediyey xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ay hormuud u ahaayeen Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyaga oo helay garab istiraatiiji ah.

Jubbaland ayaa si cad u taageertay walaacyada mucaaradka, waxayna bayaan rasmi ah ku sheegtay in dowladda federaalka ah ay ku fashilantay sida hadalka ay u dhigtay hoggaan wax ku ool ah iyo kasbashada kalsoonida shacabka. Jubbaland waxay ku baaqday dib-u-wada-hadal iyo go’aan qaadasho loo dhan yahay, si loo helo xasillooni qaran oo waarta.

Puntland dhankeeda waxay ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya DFS in ay ku tumanayso sida hadalka ay u dhigtay dastuurka kumeel-gaarka ah ee 2012-kii, ayna waddo tallaabooyin siyaasadeed oo keli ah oo halis ku ah midnimada iyo wadajirka dalka.

Puntland waxay mar kale ku adkaysatay taageerada nidaamka federaalka, iyadoo ku baaqday in doorashooyinka qaranka lagu qabto waqtigooda oo aan wax muddo kororsi ah la sameyn.

Sidaas darteed, labada maamul-goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ayaa si toos ah uga jawaabay dhaliilaha mucaaradka, iyagoo si isku mid ah ugu baaqay dib-u-heshiisiin siyaasadeed, ilaalinta dastuurka iyo qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo waqtigooda lagu asteeyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin eedeymahan, xilli dalka uu wajahayo khataro amni iyo culaysyo siyaasadeed oo sii kordhaya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed