Puntland amar ku soo rogtay Ajaaniibta jooga Raas-Casayr ee gobolka Bari

Ajaaniibta ku nool Gobolka Raas-Casayr Puntland ee ka Shaqeeya Doonyaha ayaa lagu wargeliyey in ay tagaan xarunta Booliska CID-da ee Gobolka iyo Saldhigyada Degmooyinka, ka dib wareegto ka soo baxaday Wasaaradda Arimaha Gudaha ee maamulka.

War saxaafadeedkan oo lagu baahiyey bogga Facebook Telefeshinka maamulka Puntland ayaa la sheegay in awaamiirtan ay daba socoto wareegto horay uga soo baxday Wasaaradda Arimaha Gudaha oo ahayd “in la Hubiyo Ajaaniibta Jooga Puntland” iyo in la Fulinayo Go’aamadi Ka soo Baxay Shirki Guddiga Amniga Gobolka Raas-Casayr oo kaasi oo dhacay 27 bishii hore ee Janaayo.

“Waxaa La farayaa Ajaaniibta jooga Gobolka Raas-Casayr iyo kuwa ku safraya in ay tagaan Xarumaha CID-da Gobolka Raas-Casayr, si loo hubiyo badqabka shacabka Puntland, Gaar ahaan Kuwa Gobolka Raas-Casayr” ayaa lagu warka Puntland.

Maamulka Puntland ayaa awaaamiir ka soo baxday lagu fuliyey ajaaniibta aan sharci heysan, kuwaa oo laga saaray deegaannadeeda, waxaana ugu badnaa dad ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee Itoobiya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed