Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in ay ka heleen Dowladda Maraykanka kaalmo millateri iyo sahay ciidan oo hawada sare laga soo daadiyay iyadoo la adeegsanayo baarashuudyo gaar ah, kuwaas oo loo diray ciidamada Puntland ee howlgallada culus ka wada buuraleyda Calmiskaad ee gobolka.
War lagu daabcay bogga taliska howlgalka ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in sahaydan ay isugu jirto raashin, biyo, agab caafimaad iyo saanad ciidan, laguna daadiyay deegaanno aanay mari karin gaadiidka dhulka, taasoo sahashay in ciidamadu ay sii wataan dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari.
“Saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ayaa Raashin iyo Saanad, hawada Sarre uga daadiyey Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka hawlgelaya Buuralayda Calmiskaad, kuwaasi oo ka hawlgelaya dhul aan gaadiidku mari karin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka bogga taliska howlgalka Ciidamada Puntland.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, kaalmooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo awoodda ciidanka Puntland si ay usii laba jibaaraan dagaalka Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad, halkaas oo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ay ka socdeen hawlgallo culus.
Dowladda Maraykanka weli si rasmi ah ugama aysan hadlin arrintan, hase ahaatee saraakiil amni oo u dhow hawlgalka ayaa xaqiijiyay in talaabadan ay ka mid tahay iskaashi militari oo qarsoodi ah oo labada dhinac u dhexeeya
HBN ONLINE TV