Afhayeenka milatariga Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan 26 qof oo rayid ah ay ku dhinteen, 46 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay ciidamada Hindiya ka geysteen “6 goobood” oo ku yaalla Pakistan iyo iska horimaadyada ka dhacay gobolka Kashmir ee ay labada dal isku hayaan.
Wakaaladda wararka ee AP, oo soo xiganaysa sarkaal Pakistani ah, ayaa sheegtay in 13 qof oo ka mid ah dadka dhintay lagu dilay duqeyn ay Hindiya ka geysatay masaajidka Bahawalpur ee Pakistan.
Wakaaladda Reuters ayaa sidoo kale soo xigatay sarkaal Hindi ah oo sheegay in 10 qof lagu dilay, 48 kalena lagu dhaawacay duqeymo ay Pakistan ku qaaday Kashmir-ta ay Hindiya maamusho.
Dhinaca kale, war hadda soo dhacay, Dowladda Pakistan ayaa siisay oggolaansho ciidamadeeda inay “qaadaan tallaabooyin la mid ah” weerarradii ay Hindiya fulisay.
War ka soo baxay Warfaafinta Pakistan ayaa waxaa lagu yiri; “Duqeymahan aan sababta lahayn ee aan sinaba u ahayn xaq iyo caddaalad ee sida ula kac ah loogu beegsaday goobo rayid ah, iyagoo marmarsiiyo been ah uga dhigay joogitaanka xeryo argagixiso oo aan jirin, waxay sababeen in rag, dumar iyo carruur aan waxba galabsan ay shahiidaan, isla markaana ay waxyeello kasoo gaarto kaabeyaasha rayidka, oo ay ku jiraan masaajidda,”.
Bayaanka ayaa lagu soo sida lagu yiri “Iyadoo la raacayo Qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, Pakistan waxay xaq u leedahay inay iska difaacdo oo ay ka aargudato dhiigga muwaadiniinteeda aan waxba galabsan, iyo xadgudubka cad ee lagu sameeyay madax-bannaanideeda, xilliga, goobta, iyo habka ay doorato”.
“Ciidanka qalabka sida ee Pakistan waxaa si rasmi ah loo siiyay oggolaansho inay qaadaan tallaabooyin la jaanqaadaya arrintan,” ayaa lagu xusay bayaanka ka soo baxay dawlada Pakistan.
Guddiga Amniga Qaranka ee Pakistan ayaa sheegay in Hindiya ay “dab ka hurisay gobolka,” mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhashaana si buuxda ay dusha uga saaran tahay New Delhi.
Guddigu wuxuu intaas ku daray in beesha caalamka looga baahan yahay inay Hindiya “mas’uul ka dhigto” ficilladeeda.
Dhanka caalamka iyo falcelinta dagaalka Pakistan & Hindiya,Israel ayaa si degdeg ah u caddeysay taageeradeeda buuxda ee Hindiya sida uu cadeeyay Safiirka Israel ee Hindiya, Reuven Azar, kaasi oo fariin uu soo dhigay baraha buskhada ku ku sheegay in Israel ay “taageersan tahay xaqa Hindiya ay isku difaacayso”, isagoo carrabka ku adkeeyay in kooxaha waxa loogu yeero argagixisada aysan helin meel ay ku dhuuntaan.
Wasaarada arrimaha dibadda Pakistan ayaa sheegtay in Turkigu uu garab istaag u muujiyay Pakistan, ka dib markii ay khadka telefoonka ku wada hadleen labada Wasiir arrimo dibadeed.
Safiirka Turkiga ayaa la wadaagay wasaaradda arimaah dibadda aragtidiisa ku aadan madax-banaanida iyo arimaha weerarada lagu hayo Pakistan ee Hindiya kaga imaanaya.
Shiinaha ayaa isna sheegay inuu “ka xun yahay” weerarrada Hindiya ee Pakistan, wuxuuna muujiyay “walaac” ku saabsan kororka xiisadda cusub ee u dhexeysa labada dal.
Ruushka ayaa dhankiisa wuxuu ugu baaqay Hindiya iyo Pakistan inay muujiyaan is-xakameyn si looga fogaado in xaaladdu kasii darto”, isla markaana ay rajeynayaan in xiisadda lagu xalliyo si nabad iyo diblomaasiyad ah.”
Mareykanka, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu rajeynayo in dagaalka u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan uu “si dhaqso leh u joogsado.” Trump oo la hadlayay dadka wararka-fidiya ayaa yiri: “Waa arrin laga xumaado. Waxaan rajeynayaa in tani si dhakhso ah u dhammaato,” isagoo xusay inuu dhawaan ka war helay dagaalka u dhexeeya labada dal.
Dowladda Britain ayaa muwaadiniinteeda uga digtay safarrada ay ku tagayaan Hindiya iyo Pakistan, gaar ahaan meelaha u dhow xuduudda labada dal iyo gobolka Balochistan ee aan deggeneyn. “Muwaadiniinta UK waa inay si dhow ula socdaan talooyinka socdaalka oo ay raacaan amarada dowladda maxalliga ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay London.
HBN ONLINE TV