Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa soo saartay war-saxaafadeed adag oo ay kaga jawaabayso xaaladda cakiran ee Itoobiya iyo tacaddiyada sii kordhaya ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed. Ururka wuxuu ku eedeeyay Addis Ababa inay si buuxda u jebisay sida uu hadalka u dhigay heshiiskii nabadda ee 2018-kii, isla markaana ay kor u qaaday caburinta, xarigga, iyo kormeerka lagu hayo bulshada Soomaaliyeed iyo xubnaha ONLF.
ONLF waxay sheegtay inay ansixisay Qorshaha Cusub ee Halganka Qaran, kaas oo lagu xoojinayo isku duubnida bulshada Soomaaliyeed iyo abaabulka gudaha iyo dibadda. Ururku wuxuu muujiyay in Soomaalidu aanay doonayn inay noqdaan daawadayaal, balse ay rabaan inay ka qayb qaataan difaaca xuquuqdooda qaran iyo siyaasadeed.
War-saxaafadeedku wuxuu si gaar ah u cambaareeyay tirakoob been abuur ah oo dowladda Itoobiya ka samaysay gobolka Soomaalida, kaas oo lagu yareynayo tirada dadka iyo xoolaha si loo wiiqo saamiga siyaasadeed.
Sidoo kale, ONLF waxay si adag u diiday qorshaha lagu doonayo in 20,000 dhalinyaro Soomaaliyeed lagu qasbo inay ku biiraan ciidanka Federaalka loona isticmaalo sida hadalka loo dhigay dagaallada dalka ka socda.
Wuxuu ka digay mashaariic biyo-beddel oo laga fulinayo Oromiya, kuwaas oo waxyeello culus gaarsiinaya webiyada Shabeelle iyo Jubba iyo bulshooyinka ku tiirsan. Mashruucyadan, oo aan la marsiin wax talo-gal ah, ayaa loo arkaa kuwo kordhinaya abaarta, nabaad-guurka, iyo khatarta cunno yaraanta malaayiin qof.
ONLF waxay sidoo kale ku eedeysay dowladda inay kordhinayso khilaafaadka xuduudaha u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada, iyo Soomaalida iyo Canfarta, iyadoo abuuraysa sida hadalka ay u dhigtay degmooyin cusub oo lagu kala jarayo Ogaadeeniya.
Ugu dambayn, ONLF waxay sheegtay in Jabhaddu la shaqayn doonto dhammaan qowmiyadaha kale ee la dulmiyay si loo helo nidaam cusub oo caddaalad iyo xuquuq ah, kuna dhisan in Itoobiya loogu badalo dowlad dimoqraadi ah oo loo dhan yahay.
Hbn Online Tv

