Ururka Xoraynta gobolka Soomaalida Ogaadeeniya (ONLF) ayaa si adag u cambaareeyey mashruuca soo-saarista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga wado gobolka Soomaalida ee Ogaden, iyagoo ku tilmaamay mashruucan mid lagu fulinayo “boob khayraad” iyo “khiyaano siyaasadeed” ka dhan ah shacabka deegaanka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay ONLF ayaa lagu sheegay in mashruuca lagu bilaabay si qarsoodi ah oo ay ka dambayso xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyadoo la adeegsanayo wakiillo aan matalin shacabka deegaanka.
Ururku wuxuu sheegay in Itoobiya ay si ula kac ah u qarisay xogta mashruuca, si looga dhuunto cawaaqibka xun ee ka dhalan kara, taasoo ay ku tilmaameen tillaabo muujinaysa takoorka lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee gobolka.
ONLF ayaa ku eedeysay mashruuca inuu sababay dhibaatooyin nololeed iyo deegaan oo aad u daran, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasakhowga biyaha, cudurro halis ah, iyo dhimashada xoolaha ay dadku ku tiirsanaayeen. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in hooyooyin badan ay foosha ku dhalayaan caruur dhintay, halka kuwa kale ay la ildaran yihiin cudurro deegaanka la xiriira.
“Dhulka Ogaden oo horey u saameeyeen abaaraha iyo isbeddelka cimilada ayaa hadda wajahaya halis kale oo ka dhalan karta mashruucan gaaska, kaas oo sababay burbur iyo barakac baahsan,” ayaa lagu yiri bayaanka ONLF.
Sidoo kale, ururka ayaa ku eedeeyey ciidamada Itoobiya inay si xoog ah u barakiciyeen dadka deegaanka, u jarayaan dhirta, una xirayaan marinada nolosha, iyagoo ku andacoonaya “amniga.” ONLF ayaa falalkan ku tilmaantay kuwa dagaal oo ka dhan ah deegaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ururka ayaa sheegay in mashruucan uusan ahayn mid horumarineed, balse uu yahay olole siyaasadeed oo lagu burburinayo dadka deegaanka si loo faa’iideysto khayraadkooda. “Mashruucan waa wejiga cusub ee gumeystaha, mana ahan mid horumar keeni kara,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Ugu dambeyn, ONLF ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka, ururrada xuquuqda aadanaha, iyo hay’adaha cadaaladda jecel in ay si degdeg ah u farageliyaan mashruucan ay ku tilmaameen “sharci darrada”, iyagoo ku adkeystay inay sii wadi doonaan halganka lagu difaacayo dhulka, deegaanka, iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya.
HBN ONLINE TV