Jabhadda ONLF ayaa ka digtay in Istaraatiijiyadda Qaran ee Maraykanka ee dhowaan lagu dhawaaqay ee Geeska Afrika ay halis u tahay inay sii fogeyso xasillooni-darrida haddii ay ku tiirsanaato — sida ay Jabhaddu u tilmaantay — “aragti ciriiri ah oo dowlad-dhexe ku eg” oo aan tixgelin xaaladaha cakiran ee gudaha Itoobiya.
Bayaan la soo saaray 10-ka December 2025 ONLF waxay ku sheegtay in dadaallada Maraykanka ee xooga saaraya kaliya dowladaha dhexe — iyagoo iska indhatiraya sababaha dhabta ah ee colaadaha, dhaq-dhaqaaqyada qaran ee gobollada, iyo caddaalad darrada dhismaheeda — ay sii xoojinayaan dhaqankii colaadaha muddada dheer ka jiray gobolka.
Kooxdu waxay ku dooday in Itoobiya ay weli udub dhexaad u tahay xasillooni-darrada gobolka sababo la xiriira cabburinta baahsan ee ka jirta gobollada Soomaalida, Amxaarada, Oromada, Sidaama iyo Tigray.
Bayaanku wuxuu ku eedeeyay Itoobiya inay xirtay awoodda siyaasadeed, burburisay nidaamka badnaa ee siyaasadeed, isla markaana ay jebisay heshiisyadii nabadeed ee ay la gashay ONLF, OLF iyo TPLF.
Sidoo kale ONLF waxay dhaliishay waxa ay ugu yeertay “muuqaal been ah oo dimuqraadiyad” oo lagu ilaaliyo doorashooyin la maamulo, kuwaas oo dowladaha reer Galbeedku weli taageeraan. inkasta oo ay ka maqan tahay kalsooni iyo hufnaan.
ONLF waxay tiri “dhibbanayaasha cabburinta si rasmi ah ayaa loo dayacay iyadoo oggolaansho caalami ah la siinayo”.
Kooxdu waxay ku boorisay Maraykanka inuu fahmo in nabad waarta ay ku iman karto oo keliya haddii lala kaashado dhinacyada aan dowliga ahayn lana ixtiraamo xuquuqda quruumaha kala duwan ee Itoobiya. Waxay ka digtay in iska indhatirka xaqiiqooyinkan uu wiiqi doono xasilloonida gobolka, isu-soo dhowaanshaha dhaqaale, iyo rajada nabad waarta oo ka hirgasha Geeska Afrika.
Hbn Online Tv

