ONLF oo Itoobiya ka dalbaday inay bixiyaan Magdhowga dadkii Soomaalida ahaa deegaanka la laayey

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo ka mid ah Hoggaanka Jabhadda ONLF ee joogga magaalada Jigjiga ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo cabashooyinka ay qabaan shacabka ku nool dowlad deegaanka Soomaalida.

Hadalkan ayaa yimid kaddib kulan ay hoggaanku yeesheen dhowr habeen ka hor caasimadda Jigjiga, waxaana Qalbidhagax oo hadlay uu sheegay in ay Itoobiya ka dalbanayaan magdhow la xiriira dhibaatadii soo gaartay shacabka deegaanka. Wuxuu xusay in arrintan ay tahay mid muhiim u ah cadaaladda iyo dib u heshiisiinta, sida aan ka soo xiganay warbaahinta deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale, Cabdikariin ayaa carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay waajib ku tahay inay ka jawaabto cabashada shacabka, isla markaana ay bixiso magdhow ku habboon dadka ay saameysay dhibaatadaasi. Wuxuu sheegay in arrintan ay tahay mid muddo dheer la sugayay.

Dhanka kale, wuxuu ka digay in haddii aan xal laga gaarin dalabka magdhowga ay taasi keeni karto xiisado hor leh iyo qalalaase siyaasadeed oo saameyn ku yeesha xasilloonida deegaanka.

Dhamaadka sanadkii hore, ONLF ayey ku sheegtay in Itoobiya ay weli udub dhexaad u tahay sida ay hadalka u dhigtay xasillooni-darrada gobolka sababo la xiriira cabburinta baahsan ee ka jirta gobollada Soomaalida, Amxaarada, Oromada, Sidaama iyo Tigray, iyadoo Sidoo kale dhaliishay waxa ay ugu yeertay “muuqaal been ah oo dimuqraadiyad” oo lagu ilaaliyo doorashooyin la maamulo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed