ONLF oo Cambaareysay doorashada Qalbi Dhagax oo ay tilmaantay inay Itoobiya ka dambeysay, iyadoo ururku uu labo garab isu waydaartay…..

Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya ONLF ee mucaaradsan dowladda Itoobiya ayaa si adag u cambaareysay shir dhawaan lagu qabtay magaalada Jigjiga, kaas oo lagu doortay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax inuu noqdo guddoomiyaha garab kamid ah ururka.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay ONLF ayaa lagu sheegay shirkaas inuu ahaa sida ay hadalka u dhigeen mid sharci-darro ah oo si siyaasadaysan loo abaabulay, laguna tilmaamay “mashruuc lagu burburinayo jabhadda iyo in lagu boobayo kheyraadka Ogaadeeniya.”

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shirka Jigjiga uu ahaa qorshe wadajir u fulinayaan Xisbiga Barwaaqo (PP), Guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya (NEBE), iyo Maamulka Deegaanka Soomaalida, taasi oo lagu doonayo sida warka loo dhigay in lagu wiiqo ONLF, loogana faa’iideysto saliidda dabiiciga ah ee Ogaadeeniya, iyadoo aan la tixgelin shacabka deegaanka.

“ONLF waxay metelaysaa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya ee halganka u galay caddaalad iyo is-maamul. Hoggaankayaga waxaa doorta shacabka, mana aha kuwo lagu magacaabay Addis Ababa,” ayaa lagu yiri bayaanka Jabhadda. ONLF waxay sheegtay in deegaanka Soomaalida uu noqday sida hadalka loo dhigay “aag ciidan” oo lagu fulinayo ajandayaal federaal ah oo aan dan u ahayn bulshada deegaanka, sida qasbida dhalinyarada, militariyeynta magaalooyinka iyo adeegsiga kheyraadka deegaanka si loo maalgeliyo dagaallo kale.

Sidoo kale, Jabhaddu waxay sheegtay in mashruuca laga wado Jigjiga uu yahay mid lagu doonayo waa sida warka loo dhigaye in lagu suuliyo codka mucaaradka, isla markaana lagu daboosho qorsheyaal lagu guranayo saliidda Ogaadeeniya si dadban, iyada oo shacabka laga indho-tirayo.

ONLF waxay digniin adag u dirtay hay’adaha dowladda, shirkadaha shisheeye iyo dhammaan kuwa ku lug leh mashruucan oo aanay nuuciisa wax faahfaahin ah ka bixin, iyadoo sheegtay in cid kasta oo aqbasha ama hirgelisa qorshahan ay qaadi doonto mas’uuliyadda sharci iyo mid siyaasadeed.

ONLF waxay ku adkeysatay in horumarka dhabta ah uu imaan karo oo keliya marka laga helo oggolaanshaha shacabka, cadaalad, iyo wada-hadal daahfuran.

Dhanka kale, Cabdikariin Sheekh Muuse Qalb Dhahagax oo la hadlay warbaahinta galabta ayaa ku eedeeyey hoggaanka garabka kale ee ururka inay ka dhaga adeygeen sida uu hadalka u dhigay u huggaansanaanta sharciga u yaalla Jabhadda, taasine ay keentay in masuuliyadda dib ugu soo wareegtay guddoomiye ku xigeenka ururka.

Wuxuu ku dooday Qalbi-dhagax inay isaga doorteen xubnaha kale ee Jabhadda, ka dib doorasho ka dhacday Jigjiga. Wuxuu yiri “ONLF anig waa hantideyda, wakhtigaygaa ku maqan, cid aan u daba fariisanayo ama aan ka ogolahay inay dayacdo ma jirto, mana ogalaanayno in cidi ku xad-gudubto oo ku tagri fasho”.

Dhankiisa Afhayeenka ONLF Cabduqaadir Xasan Hirgmooye Cadaani oo tilmaamay in ururku sumcad weyn ku dhex leeyahay bulshada deegaanka ayaa sheegay in JWXO weerar lagu qaaday heerarkeeda kala duwan oo kaga imaanaya sida uu hadalka u dhigay Dowladda Itoobiya. “Anagga inaan nabad ku halganno ayaa la diidan yahay, nabaddda barigii hore anagaa qaadanay” ayuu yiri Afhayeen Cadaani.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed