Ololaha doorashada Jabuuti oo idlaatay, iyada oo maalin kadib codbixinta loo dareerayo

Waxaa soo xirmay goobaha Ololaha doorashada madaxtinimada ee Jabuuti oo shacabka dalkaasi ay maalinta Jimcaha soo socda ay u dareeri doonaan codbixinta doorasho qof iyo cod ah. Ololahaan oo socday muddo laba toddobaad ah ayaa dadku sameeyeen isu soo baxyo waaweyn iyo abaabul xooggan oo ay sameeyeen taageerayaasha xisbiyada tartamaya.

Isu soo baxyada ugu waaweyn ayaa waxaa ka qayb galay ururrada la tartamaya xisbiga talada haya ee UMB, ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Isaga oo khudbad u jeedinayey shacabka taageersan hoggaamihaan aan cidna horay weligiis kaga guuleysan tartan doorasho muddo 5 jeer ah ayaa ku boorriyey inay muujiyaan midnimo iyo qaran jacayl, iyagoo ka qayb qaadanaya codbixinta maalinta Jicmaha.

Ismaaciil Cumar Geelle oo Jabuuti hoggaaminayey tan iyo sanadkii 1999-kii, ayaa mar uu hadlay ku dooday inuu jeclaan lahaa inuu ka nasto hoggaanka, balse wuxuu tilmaamay inuu go’aanka tartanka qaatay, kadib codsi uga yimid sida uu hadlaka u dhigay shacabka Jabuuti.

Dhanka kale, mucaaradka Jabuuti ayaa weli qaba cabashooyin la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo cadaaladda tartanka siyaasadeed, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ku sugan yihiin dibadda dalka. Eedeymahaasi ayaa marar badan lagu soo celceliyey xilli kasta oo doorasho.

Doorashada la filayo inay qabsoonto 10-ka Abriil ayaa si weyn indhaha loogu hayaa, iyadoo la filayo inay go’aamiso jihada siyaasadeed ee dalka Jabuuti iyo mustaqbalka hoggaankiisa sanadaha soo socda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed