Odoyaasha dhaqanka Awdal iyo Selal oo war ka soo saaray xildhibaano DFS oo maamul cusub la doonaya in halkaasi la dhiso

Odoyaasha dhaqanka gobollada Awdal iyo Salel ee Somaliland, gaar ahaan Guddida Dhaqanka Beelaha halkaasi dega, ayaa war-murtiyeed loogu jawabayo ka soo saaray xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay wadaan sida hadalka u dhigeen qorshe lagu dhisayo maamul cusub oo ka hanaqaada deegaannadaas. Odoyaashu waxay sheegeen in deegaannada xeebaha gobolka Salel lagu soo qaaday duullaan ay ku tilmaameen mid qaawan oo salka ku haya damac dhul-doon ah, kaas oo socday labadii sano ee la soo dhaafay.

Guddidu waxay caddeeyeen in beelaha gobolka ay mar walba diyaar u yihiin nabad, isla markaana ay qaabileen ergooyin nabadeed oo ka kala yimid Hargeysa, Badhan, Itoobiya iyo Kenya, balse ay ku adkeeyeen in aysan aqbali doonin wax duullaan ama faragelin ah oo lagu sameeyo dhulkooda.

Sidoo kale, waxay sheegeen in aysan suurtagal ka ahayn in gobolka Salel laga hirgeliyo wax ay ugu yeereen “Guban State” oo ay sheegeen in kooxo aan deegaanka u dhalan ay kaga dhawaaqeen magaalada Muqdisho.

Ugu dambayn, odoyaasha dhaqanka Beelaha Awdal iyo Salel ayaa muujiyay garab istaag buuxa oo ay u hayaan Somaliland, iyagoo ugu baaqay xukuumadda inay tallaabo ka qaaddo kooxo ay ku tilmaameen qaswadayaasha. Waxay sidoo kale tacsi u direen dadkii dhawaan ku dhintay dhacdooyin amni, iyagoo adkeeyay in ay sii wadi doonaan difaaca dhulkooda iyo midnimada bulshadooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed