Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Beesha Abgaal ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen in uu ku fashilmay hoggaaminta Maamulkaas, waxayna ugu baaqeen in uu si deg deg ah isku casilo, sida ay hadalka u dhigeen.
War-murtiyeed ay soo saareen Odayaasha oo maalmihii u dambeeyay kulamo uga socday magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku sheegeen in Guudlaawe uu muujiyay karti la’aan uu ku wajahayo caqabadaha ka jira maamulka Hisrhabelle. Sidoo kale waxay ku eedeeyeen in maamulkaas uu hurinaayo colaad beeleedyo ku soo laa laabtay deegaanka.
Waxay ku nuuxnuuxsadeen in Hirshabeelle uu yahay maamul goboleedka ugu qanisan dalka marka la eego meesha uu ku yaal, haddana uu noqday meelaha ugu liita Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Tan iyo markii la dhisay Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa soo baxayay khilaaf awood qeybsi oo u dhaxeeya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Khilaafkan ayaa sababay in siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay ku dhawaaqaan maamul cusub oo la magac baxay Hiiraan State, kaasoo aysan dowladda federaalka aqoonsaneyn.
HBN NEWS DESK