NRC oo ka digtay xaaladda bani’aadantinimo oo kasii dareysa Soomaaliya

Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad bani’aadantinimo oo kasii dareysa, iyadoo abaarta daba dheeraatay, colaadaha iyo hoos u dhaca gargaarka caalamiga ah ay kordhiyeen baahida dadka nugul, gaar ahaan qeybo ka mid ah koonfurta dalka.

Kumannaan qoys ayaa barakacaya, waxaana dadka cusub ee gaaraya xeryaha barakacayaasha ay la kulmayaan cunto yari, hoy la’aan iyo adeegyo kooban.

Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay xaaladdu sida weyn uga muuqato, iyadoo la arkayo carruur nafaqo-darro la ildaran iyo qoysas ka cararay dhulkoodii kaddib markii abaartu baabi’isay xoolihii iyo dalaggii beerahooda.

Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC), Jan Egeland, oo booqasho ku jooga Soomaaliya ayaa maanta sheegay inuu aad uga naxay xaaladda uu ku arkay dalka. Waxa uu sheegay in hay’ado badan ay yareeyeen howlahooda sababo la xiriira dhimista maalgelinta gargaarka, halka baahida dadka ay si weyn u korortay.

“Jubbaland iyo meelaha ka baxsan Muqdisho labadaba, waxaad ku arkaysaa carruur aad u nafaqo-darroobay iyo qoysas ka qaxay dhulkoodii awoowayaashood, kaddib markii xoolihii iyo dalaggii ay dhammaantood baaba’een” ayuu yiri Jan Egeland.

Sidoo kale, Egeland ayaa ka digay fatahaado ba’an oo la saadaalinayo inay Soomaaliya ku dhuftaan dhammaadka sanadkan, kuwaas oo xaaladda kasii dari kara.

Waxa uu ugu baaqay deeq-bixiyeyaasha inay si degdeg ah u kordhiyaan maalgelinta gargaarka, si looga hortago gaajo iyo dhibaato bani’aadantinimo oo baaxad leh oo kasii darta Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macallin oo Xarunta Dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC), Mudane Jan Egeland ayaa kulan uu la yeeshay la tilmaamay looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha, colaadaha, barakaca, cunto-yarida iyo khatarta Super El Niño, iyo sidii loo xoojin lahaa u-diyaargarowga iyo ka jawaabista musiibooyinka.

Laba maalinta isla todobaadkan oo ku aadan Agaasimaha ku-meelgaarka ah ee WFP, Carl Skau, ayaa shir golaha Qaramada Midoobay ay lahaayeen ka sheegay in colaadaha ay yihiin sababta ugu weyn ee keenta gaajada adduunka, isaga oo xusay in gaajada mararka qaar loo adeegsado hub ahaan. Wuxuu digniin ka bixiyey in wareegga u dhexeeya colaadaha iyo gaajada uu sii xoogeysanayo meelo badan oo Soomaaliya, Yemen, Suudaan iyo Falastiin ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed