NISA oo xog ka bixisay howlgallo lagu dilay tiro ka badan 20 Alshabaab ah

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay natiijooyinka howlgallo qorshaysan oo laga fuliyay gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose, kaasi oo lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab oo tiradooda ku badan tahay 20 xubnood.

Howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Moqokori, ayaa lagu dilay horjooge magaciisa lagu soo koobay Cabdi Xiiray iyo labo horjooge oo kale, kuwaasi oo NISA sheegtay in muddo dheer la raadineyay, isla markaana kaalin weyn ku lahaa “abaabulka dhagarrada iyo shirqoollada” lagu waxyeelleeyay shacabka Hirshabeelle.

Gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Nooleeye, NISA ayaa sheegay in lagu dilay illaa 11 xubnood oo Alshabaab ah, kadib markii sirdoonka la helay xog ku saabsan maleeshiyaad halkaasi isku abaabulayay.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay tuulada Tugaarey oo ka tirsan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 10 xubnood, halka tiro kale lagu dhaawacay, kadib markii la weeraray goob ay ku shirayeen.

NISA ayaa ku tilmaantay howlgaladan bartilmaameedka ah kuwo qeyb ka ah dadaallada lagu daciifinayo kooxda Alshabaab, isla markaana looga hortagayo shirqool kasta oo ay ku doonayaan inay ku dhibaateeyaan sida hadalka loo dhigay shacabka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed