Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada sirdoonka, kaas oo lagu beegsaday horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Alshabaab, kuna sugnaa tuulo lagu magacaabo Maxaa Saciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida ay NISA sheegtay, howlgalka ayaa si qorsheysan loo fuliyay, wuxuuna dhacay xilli horjoogayaasha la beegsaday ay ku jireen sida hadalka loo dhigay shir ay ku maleegayeen falal amni-darro ah oo lagu dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed. Howlgalkaasi ayaa lagu dilay horjoogayaal muhiim ah, halka khasaare culusna lagu gaarsiiyay sida la tilmaamay kooxda Alshabaab. Hay’addu ma aanay sheegin xubnaha la dilay magacyadooda, balse waxay tilmaamay in xiliyada soo socda ay soo bandhigi doonto.
NISA ayaa sidoo kale xaqiijisay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Alshabaab, laguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, gaar ahaan deegaannada ay kooxdu ka wado falalka argagixisanimo.
HBN ONLINE TV

