Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in iyada oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, ay howlgal qorsheysan oo dhabar-jab ku noqday sida ay tilmaantay Alshabaab ka fulisay gobolka Galguduud, halkaasi oo carbis uga socday tiro ka badan 400 xubnood oo kooxda diyaarinaysay.
Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas, waxaana lagu beegsaday xarun ay Alshabaab ku diyaarinayeen in ka badan 400 maleeshiyaad. Intii lagu guda jiray hawlgalkan NISA sheegtay in lagu dilay 12 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sare, halka 13 kale dhaawacyo culus soo gaareen.
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda NISA ayaa tilmaamaya in xubnihii kale ee kooxda ay goobta ka firxadeen, iyadoo ciidamadu ay weli ku raad-joogaan sida hadalka loo dhigay haraadigii ka baxsaday oo u cararay dhanka degmada Ceelbuur ee isla gobolka.
NISA ayaa caddeysay in howlgalka uu qeyb ka yahay dagaalka joogtada ah ee lagula jiro kooxda, looguna dan leeyahay xaqiijinta amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.
HBN ONLINE TV