NISA oo shaacisay inay gacanta ku dhigeen ganacasto xariir iyo macaamil la yeetay kooxda Al shabaab

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA auaa shaacaa ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad la sheegay in macaamil la sameeyeen kooxda Al-shabaab arrimaha la xariira dhanka maaliyadda.

War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in hay’adda soo qabatay xubno ganacsato ah oo si dhuumaaleysi ah lacago baad ah usoo weydiisay kooxda Al-shabaab, islamarkaana wali ciidanka ay ku raad joogaan xubno kale oo ganacsato ah.

Hay’adda NISA ma shaacin magacyada iyo tirada ganacsatada macaamilka la sameysay kooxda Al-shabaab oo ay gacanta kusoo dhigtay.

Qoraalka NISA ayaa loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka feejignaadaan qorshaha kooxdu ay ku dooneyso iney ku boobto hantidooda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed