NISA oo shaacisay dilka ku dhawaad toban Alshabaab iyo khasaare kale Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Kuukaayle ee hoostaga degmada Maxaas, gobolka Hiiraan, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaad Alshabaab ah.

Howlgalka oo dhacay seddax jeer xalay ayaa lagu dilay 7 xubnood oo Alshabaab ah, waxaana lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo teendhooyin ay ku dhuumaaleysanayeen. Howlgalka ugu horreeyay wuxuu sababay dhimashada 3 xubnood, halka midka labaad lagu dilay afar kale, iyadoo howgalka saddexaad lagu gubay gaadiid dagaal oo maleeshiyaadka ay ku diyaarinayeen sida hadalka loo dhigay inay isticmaalaan.

Ciidanka NISA ee howlgalkan fuliyay ayaa la sheegay in ay ku socdeen xog sirdoon oo muujineysa dhaqdhaqaaqyo qorsheysan oo ay wadeen maleeshiyaadka Alshabaab, kuwaas oo watay gaadiid dagaal oo ka hawlgalayay deegaanka Kuukaayle.

Hay’adda Sirdoonka NISA ayaa sheegtay inay ku adkaynayso, kana go’an tahay la dagaalanka kooxaha khatarta ah ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed, iyadoo weli sii wadi doonta howlgalada qorsheysan ee lagu baabi’inayo waxay ugu yeereen “maleeshiyaadka Khawaarijta”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed