NISA oo Muqdisho ku qabatay qaraxyo iyo rag waday

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegay howlgal ay magaalada Muqdisho ka fuliyeen in ay ku soo qabteen rag lagu eedeyey in ay ka tirsanyihiin kooxda Alshabaab oo qaraxyo so galiyey magaalada Muqdisho, kuwaa oo doonayey in waxyeelo kala duwan ku gaarsiiyaan shacabka.

Warka ka so obaxay Hya’adda Nasab sugida Soomaaliya aya la tilamaamay in xubnaha la soo qabtay ay ahaayeen afar nin oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al Shabaab, iyada oo waday miinooyin ay qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkan ayaa ku soo aadaya 3 maalin, ka dib weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay xeebta Liido degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed