NISA oo muqdisho ku qabatay dhaqaatiir Alshabaab u qaabilsanaa Muqdisho iyo Jilib

Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in gacanta ay ku soo dhigtay labo xubnood oo Alshabaab u qaabilsanaa Isbitaalada iyo daryeelka bukaanada ee gobolada Jubbada hoose iyo Banaadir.

Howlgal gaar ah oo Ciidanka Hay’adda NISA ka sameeyeen Muqdisho ayaa lagu sheegay gacanta dowladda ay soo galeen labo dhaqtar oo kooxda Alshabaab u kala qaabilsanaa daryeelka bukaannadooda Muqdisho iyo Jilib.

Xubinta koowaad ayaa ee la soo qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Kooshin Maxamuud Axmed oo kooxda u qaabilsanaa Isbitaalada & daryeelka bukaanadooda la keeno magaalada Muqdisho, halka kan labaad oo lagu magacaabo Keyse Faarax Xasan (Axmed Yare) uu ahaa dhaqtarka Alshabaab u qaabilsan daweynta bukaanadooda joogo degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose.

NISA ayaa carrabowday in Axmed Yare uu adeer u yahay Horjoogaha Alshabaab u qaabilsan arrimaha Siyaasadda Xuseen Fiidow.

Ugu dambeyn NISA ayaa tilmaantay in ay ka go’an tahay sida hadalka ay u dhigatay ciribtirka cadowga beegsanaya dadka Shacabka ah iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqeyntooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed