Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA), ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay maanta howlgal qorsheysan ka fuliyeen tuulo hoos timaadda deegaanka Jicibow ee gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab.
War saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu carrabaabay in howlgalka oo si gaar ah uga dhacay Tuulada Biyo Madoobe lagu burburiyay gaari xamuul ah oo ay kooxdu kusoo rareen sida hadalka loo dhigay rasaas fara badan oo ku jiray jawaanno waaweyn. Ciidanku waxay sheegeen in gaadiidka iyo hubka la burburiyay ay ka mid ahaayeen sahay muhiim u ahayd Alshabaab.
Deegaanka Jicibow iyo tuulooyinka ku teedsan ayaa ka mid ah sida lagu sheegay bayaanka NISA marinno istaraatiiji ah oo si gaar ah loo ilaaliyo, si looga hortago in kooxda AlShabaab ay u kala gudubto Galbeedka iyo Bariga gobolka Hiiraan.
Hbn Online Tv

