Ciidanka Gaarka ah ee Gaashaan oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka NISA ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu soo qabtay labo xubnood oo ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay degmada.
Mid ka mid ah xubnahan ayaa ahaa sida NISA ay sheegtay horjooge u qaabilsanaa uruurinta lacagaha kooxda, halka midka kale uu ka tirsanaa kooxda amniyaadka ee Alshabaab, kaas oo ku howlanaa sida hadalka loo dhigay uruurinta xogaha ciidamada dowladda iyo qorsheynta dilalka qarsoon.
Howlgalka ayaa daba socda digniin NISA ay soo saartay 20-kii bishan, taas oo lagu caddeeyay in bixinta lacagaha Sakawaadka – dowladdune ugu yeerto baadda ay la macno tahay maalgelin argagixiso, kana hor imaaneysa sharciga dalka iyo xeerarka caalamiga ah.
NISA waxa ay mar kale uga digtay ganacsatada iyo shacabka in ay ka fogaadaan bixinta lacagaha Alshabaab, iyada oo la xasuusinayo shacabka in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan hay’adaha amniga haddii ay la kulmaan cabsi, cadaadis ama baad.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegtay inay ku adkeysa doonto go’aankeeda ku aaddan ciribtirka Alshabaab oo halista ku ah amniga qaranka.
HBN ONLINE TV