Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku soo dhigay xubno ka tirsan kooxda Alshabaab, oo ku sugnaa gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Shabakadan oo ka kooban shan xubnood ayaa Alshabaab u qaabilsanaa sida hadalka loo dhigay fulinta iyo abaabulka waxyaabo liddi ku ah ammaanka caasimadda, halka xubnahan ay Ciidanka Hay’addu gacanta ku soo dhigeen iyagoo ku howlanaa inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho.
NISA ayaa sheegtay in ay hayeen xogta shabakadan ayaa guuleystay soo qabashada xubnahan, iyadoo u bar tilmaameedsatay mid mid.
War kasoo baxay isla Ha’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa lagu sheegay in kooxdan markii gacanta lagu soo dhigayey lala so qabtay hub iyo qaraxyo ay doonayeen iney ku dhibaateeyaan shacabka soomaliyeed.
“Ciidanka Hay’adda NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban shan xubnood kuwaas oo ku howlanaa falal amni darro, waxana sidoo kale lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo ay Khawaarijtu u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu baahiyey bogga hay’adda ee barta X.
HBN ONLINE TV

