NISA oo sheegtay in duqeyn lagu burburiyey Buundo Alshabaab ku lahayeen Shabeellaha dhexe iyo dilka horjoogayaal kale

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay iyada oo Kaashanaya Saaxiibada Caalamka in burburiyay Buundo ay ka soo gudbi jireen xubno Alshabaab ah oo ka dagaalamy Gobolka Shabellaha Dhexe

Howlgal duqeyn ah oo laga fuliyey tuulada Aw-baalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa NISA ku sheegtay in ay ku burburiyeen buundo macmal ah oo ay kooxdu dhawaan halkaas ka dhiseen, taas oo u aheyd sida warka loo dhigay marinkii ay u isticmaaleen soo gudbinta Maleeshiyaadkii iyo Horjoogeyaashii isku dayay in ay carqaladeeyaan amniga deegaannada Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in Howlgalka lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Alshabaab oo qorsheynayay in ay buundada ka gudbaan, ka dib markii duqeynta lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen.

“Ciidanka NISA yo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay in ay jaraan dhammaan waddooyinka muhiimka ahaa ee ay Khawaarijtu ku basan kartay” ayaa lagu yiri Bayaanka NISA, oo la sii raaciyey in hadda ay “go’doon ku jiraan maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ku dhuumaleysanaya dhulka hawdka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe”

Dowlada Soomaaliya oo guullo ka sheegatay dagaallada ka socda gobolka Shabeellaha dhexe ayaa duqeymo la beegsatay goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Alshabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed