Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ayaa ku dhawaaqday in howlgal wadajir ah oo lagu fuliyey deegaanka Ugunji ee Gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay Maskaxdii ka dambeysay qaraxii lala eegtay Kolonyada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dhacay 18kii Maarso 2025 Muqdisho.
Sida lagu sheegay bayaanka NISA Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax oo la dilay ayaa loo yaqaanay magacyo badan sida Khaalid Dheere, Khaalid Dacas, Macallin Siciid, Timo-jilac iyo Maxamed Sahal, isaga oo ahaa maskaxdii soo maleegtay qaraxii lagu weeraray madaxweynaha dalka, kaasi oo galaaftay nolosha dad shacab ahaa iyo askar.
NISA ayaa intaas ku dartay in Khaalid uu watay gaari Toyota Noah, isla markaana uu la socday qof kale oo ka mid ahaa ilaaladiisa. Waxa lagu eedeeyay inuu ahaa xubin muhiim ah oo ‘Alshabaab uga qaabilsanaa abaabulka qaraxyada, gaar ahaan qorsheynta iyo hagidda weerarro culus oo ka dhacay caasimadda.
Qaraxii Ceelgaabta ee Muqdisho ayaa dhaliyay dood iyo cadaadis badan, maadaama uu si toos ah u beegsaday kolonyada Madaxweynaha, inkasta oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka badbaaday. Baarista qaraxaasi waxay qaadatay muddo dheer, waxaana ugu dambeyn NISA ku dhawaaqday inay dishay ninkii loo aqoonsaday maskaxda abaabulay weerarkaasi.
HBN ONLINE TV