Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa ku dhawaaqday in howlgal si qorsheysan looga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose in lagu dilay horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa diyaarinta qaraxyada iyo falalka amniga lidka ku ah ee kooxda ka fulin jireen gobolkaas.
NISA waxay magaciisa ku sheegtay ninkan la dilay Xasan Siidoow Xuseen, kaas oo ay ku tilmaameen maskaxdii abaabulka qaraxyada dhulka lagu aaso ee lagu dhibaateyn jiray shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka gobolka.
Sidoo kale waxay sheegeen inuu door muuqda ku lahaa qorsheynta iyo hagista weerarada kooxda. Howlgalka waxaa fuliyay ciidanka Gaashaan, kuwaas oo NISA ku sheegtay inay muddo dheer ku raad joogeen horjoogahan, ayna ugu dambeyn xalay dileen isaga iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa oo la socday xilligii howlgalku dhacay.
NISA waxay xustay in ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ay kordhiyeen dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyada shacabka, isla markaana lagu wiiqayo awoodda waxay ugu yeertay “haraadiga Khawaarijta” ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, hay’addu waxay ku boorrisay shacabka inay la wadaagaan wixii macluumaad amni oo la xiriira dhaqdhaqaaqa AlShabaab ama Daacish, si wadajir loogu xaqiijiyo sida hadalka ay u dhigtay amniga dalka iyo badbaadada muwaadiniinta.
Hbn Online Tv

