Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in la burburiyey Maxkamad ay lahaayeen kooxda Alshabaab oo ku taalay in dhexeysay degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobolada shabeellooyinka.
Howlagalkan oo la sheegay in ay fuliyeen ciidamada NISA iyo Haramcad ayaa dowladdu ku sheegtay sida hadalka loo dhigay in uu ka dambeyey, ka dib markii ay ka war heleen xogta xubno kooxda ah oo si dhuumaaleysi ah ku tagay deegaannada kala ah carcarey, qoobjiid, Sabye iyo beerta Cali Mahdi oo dhaca duleedka Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Deyniile ee gobolka Banaadir Cumar Maxamed Mahad-Alle oo qayb ka haa howlgalka ayaa fariin digniin ah u diray dadka u huggaasamaya awaamiirta Alshabaab, isaga oo tilmaamay in goobta ay burburiyeen aheyd halka dadka magaalada looga yeeri jiray.
Waxaa uu carrabaabay in talaabo sharciga ah laga qaadi doono ciddii mar dambe tilamaada siduu yiri “Maxakamad beenaadka” kooxda ee halkaasi ku taalay.
Ugu dambeyn ayuu sheegay guddoomiyah degmada Deyniile in uu sii soco doono howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda deegaannada halkaasi ku yaala oo ah xadka Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe.
HBN ONLINE TV

