Ciidanka Gaarka ah ee Gaashaan ee hoostaga Hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabellaha Hoose in lagu beegsaday xarun ay kooxda Alshabaab u adeegsaneysay sida hadalka loo dhigay kaydinta waxyaabaha qarxa.
War ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ku saleysnaa xog sugan oo muujisay in goobta la beegsaday oo guri aheyd in lagu diyaarinayay falal loo yeeray kuwa argagixiso oo lagu dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyeed. Ciidamada ayaa si buuxda u burburiyay xaruntii ay Alshabaab halkaas ku lahaayeen, iyaga oo wax khasaare ah aan la kulmin.
Waxaa xusid mudan in howlgal sidan oo kale ah oo la fuliyay 3-dii Juun 2025 isla deegaanka Dhanaane, kaasoo lagu dilay Horjoogihii kooxda ee u qaabilsanaa Dhanaane, Jilib Marka iyo Gandarshe oo kulaala dhulka xeebta ah ee gobolka Shabeellaha Hoose.
NISA waxay sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto in lagu ciribtiro kooxda oo khatar ku ah sida ay tilmaantay amniga iyo xasiloonida dalka, iyadoo shacabka Soomaaliyeed looga mahadceliyay kaalinta ay ku leeyihiin la wadaagidda xogaha sirdoonka.
HBN ONLINE TV