Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa mar kale ka soo muuqday Maxkamadda magaalada Talaabiib si uu uga jawaabo eedeymaha musuqmaasuqa, taasoo ah markii toddobaad tan iyo bishii Diseembar 10, 2024.
Sida ay baahiyeen telefishinnada Israa’iil subaxnimadii maanta, muuqaal ayaa muujiyay daqiiqaddii uu Netanyahu galay qolka maxkamadda dhexe, isagoo ay la socdeen dhakhtarkiisa khaaska ah & xubno kale.
Netanyahu ayaa qalliinka kaadi-mareenka lagu sameeyay dhammaadkii bishii Diseembar, taasoo sababtay inuu ka maqnaado dhageysiyada maxkamadda tan iyo waqtigaas.
Jimcihii lasoo dhaafay, Netanyahu ayaa mar kale ka codsaday maxkamadda in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda sababo la xiriira xaaladdiisa caafimaad, laakiin maxkamaddu way diiday codsigiisa.
Sida laga soo xigtay telefishinka 12 ee Israa’iil laga leeyahay, “Dhageysiga dacdwada ayaa dib loo bilaabay ka dib markii guddi-dhexe oo maxkamadeed ay diideen codsigii qareenka difaacaya Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in hal fadhi toddobaadkii la qabto halkii saddex jeer laga qaban lahaa.”
Netanyahu wuxuu markhaati ka bixinayaa qol dhulka hoostiisa ah oo ku yaal magaalada Talaabiin, halkii laga qaban lahaa maxkamadda Qudusta la haysto, sababo la xiriira xaaladaha amniga.”
Netanyahu ayaa u sheegay garsoorayaasha maxkamadda in qaliinkiisa aysan ka soo wareegin xitaa hal bil isagoo ku dooday in aysan habboonayn in waqti badan uu ku qaato dacwada, halkii ay uu ka qaban lahaa hawlo badan isla markaana uu u baahan yahay nasiino iyo soo kabasho.
Netanyahu waxaa loo heystaa eedeymo musuqmaasuq, laaluush iyo ku xadgudub kalsoonida, taasoo la xiriirta saddex kiis oo musuqmaasuq ah oo dacwadooda la soo gudbiyay dhammaadkii bishii Nofeembar 2019.
Dacwadda Netanyahu ee kiisaskan ayaa bilaabatay sanadkii 2020 welina way socotaa, isaga oo ku adkeysanaya inuusan wax dambi ah lahayn, kuna tilmaamay eedeymaha inay yihiin “olole siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu afgembiyo.” Waa sida hadalka uu u dhigaye.
HBN ONLINE TV