Netanyahu oo lagu maxkamadeynayo qol dhulka hoostiisa ku yaal cabsi awgeed

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayay maanta u bilaabatay maxkamad lagu saarayo hool loogu talagalay madaxda dambiyada waaweyn ee Israel, sida uu daabacay wargeyska Maariv ee Israa’iil ka soo baxay.

Maxkamadda oo ku taalla Tel Aviv ayaa loo asteeyay hoolka 512-aad, kaas oo sida caadiga ah loo isticmaalo kiisaska madaxda ururada dambiyada ee ugu weyn Israa’iil.

Maxkamadeynta Netanyahu ayaa socon doonta maanta oo Talaado ah ilaa iyo Khamiista waxaana ay qaadanaysaa maalintiiba afar saacadood.
Hoolka maxkamadda, oo la dhisay 2016, ayaa loogu talagalay dhageysiga marqaatiyada madaxda dembiyada lagu soo oogo, waxaana uu leeyahay naqshad gaar ah oo si adag u ilaaliya xidhiidhka u dhexeeya eedeysanaha iyo deegaanka dibadda.

Goobta maxkamaddu waxay ku taallaa dabaqa labaad ee hoose ee maxkamadda Tel Aviv, meel aan lahayn daaqado, waxaana laga dhisay shub adag si looga hortago khatar kasta oo amni.
Hoolka waxaa ku hareereysan muraayadaha aan xabbaddu karin iyo kaamirooyin illaalo ah, iyadoo loo adeegsanayo wiishyo iyo marinno gaar ah oo loogu talagalay garsoorayaasha iyo marqaatiyaasha xukuumadda, si looga go’doomiyo dadweynaha.

Laanta sirdoonka gudaha Israa’iil ee Shin Bet ayaa sidoo kale qorshaysay in ciidamo qarsoodi ah la geeyo goobta si looga hortago in wax lama filaan ah ay dhacaan. Doorashada hoolkan ayaa ah in Netanyahu laga ilaaliyo dadweynaha, maadaama la filayo kumannaan qof inay isugu soo baxaan bannaanka maxkamadda si ay u muujiyaan taageero ama diidmo ku aaddan maxkamadayntiisa.

Ciidamo amni oo gaar ah ayaa geeyay goobta maxkamadda, iyadoo la adeegsanayo baaritaanno adag iyo qalab casri ah oo amni.
Waxaa si buuxda loo xakameeyay goobta, iyadoo ujeedku yahay badbaadinta nidaamka maxkamadaynta.

Xeer-ilaaliyaha Guud, Avichai Mandelblit ayaa ku dhawaaqay dhammaadkii Nofeembar 2019 go’aankiisa ah inuu dacwad rasmi ah ku soo oogo Netanyahu, isagoo wajahaya saddex kiis oo musuqmaasuq ah.

Netanyahu ayaa si joogto ah isku dayay inuu dib u dhigo dacwadaha, isagoo ku andacoonaya dagaalka Gaza iyo walaacyada amniga, laakiin garsoorayaashu waxay amar ku bixiyeen in dacwadaha dib loo bilaabo maanta oo Talaada ah, iyadoo maxkamadda hadda loo rarayo hool dhulka hoostiisa ku yaalla sababo la xiriira cabsi amni.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed