Netanyahu oo ka hadlay sababaha uu u aqoonsaday Israa’iil

Ra’isal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa waraysi uu siiyay warbaahinta NewsMax ee Mareykanka, wuxuu kaga hadlay sababta uu Somaliland u aqoonsaday, isagoo ku tilmaamay “bulsho Muslim ah oo qunyar socod ah, isla markaana leh nidaam dimuqraadi ah,kuwaasi oo doonaya inay xiriir dhow la yeeshaan Israa’iil, kuna biiraan heshiisyada Ibraahiim.”

Wuxuu tilmaamay Somaliland oo 6 milyan oo qof ku noolyihiin inay wax badan kaga wanaagsan tahay sida uu yiri Soomaaliya inteeda, isla markaana lagu qabto doorashooyinka dimuqraadi ah , halka Soomaaliya intee kale ay tahay waa sida hadalka uu u dhigaye “goob ay argagixisadu joogto oo aan muddo laga qaban doorashada guud”.

Inkastoo ay jiraan in doorashooyinka qof & cod ah laga qabtay qaybo dalka ka mid ah sida middii ka dhacday Puntland iyo tan dawladaha hoose ee Muqdisho, hadana Netanyahu wuxuu yiri “Maxaa loo taageeri waayay bulsho Muslim ah oo dhexdhexaad ah, dimuqraadi ah, isla markaana doonaysa inay ku biirto heshiisyada Ibraahiim?”, isagoo intaas ku daray in Israa’iil ay diyaar u tahay inay hoggaamiyso arrintan haddii loo baahdo.

Netanyahu, waxaa kaloo uu caddeeyay in go’aankan uu qayb ka yahay dadaal ballaaran oo ay Israa’iil, oo kaashanaysa Maraykanka, lagu doonayo ballaarinta heshiisyada Ibraahiim si ay xiriir ula yeeshaan dalal kale oo Muslimiin u badan, kana baxsan Bariga Dhexe.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed