Netanyahu iyo Ra’iisul Wasaaraha Hindiya oo ka wada hadlay Gaza iyo aqoonsiga Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa taleefan kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, si ay isugu diraan hambalyo ku aaddan sannadka cusub.

Netanyahu ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku yiri “Waxaan hambalyo u dirayaa shacabka Hindiya. Israa’iil waxay qiimeyneysaa iskaashiga qotada dheer ee kala dhexeeya Hindiya iyo go’aankeenna wadajirka ah ee ka dhanka ah argagixisada.”

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Netanyahu ayaa Modi kaga warbixiyay xaaladda heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza. Labada dhinac ayaa mar kale adkeeyay mowqifkooda ah inaysan wax dulqaad ah u hayn waxay ugu yeereen argagixisada nooc kasta oo ay tahay, ayna ka go’an tahay inay si wadajir ah ula dagaallamaan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Netanyahu uu sidoo kale Modi kala hadlay arrinta aqoonsiga Somaliland, xilli Israa’iil ay dadaal ugu jirto inay dalal kale ku qanciso inay aqoonsadaan Somaliland, sida uu qoray wargeyska Israel Hayom.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed