NATO oo shaacisay xilliga la filan karo duulaan Ruushka uga yimaada

Xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte, ayaa ka digay in Ruushka uu diyaarsan karo ciidankiisa si uu u isticmaalo xoog ciidan oo ka dhan ah isbahaysiga NATO shan sano gudahood.

Wuxuu hadalkan ka jeediyey kulan ka dhacay Aqalka Chatham House ee magaalada London, isagoo sheegay in Ruushka uu dib u dhisayo ciidankiisa isagoo kaashanaya tignoolajiyadda Shiinaha, isla markaana uu soo saarayo hub xawaare sare leh oo aan la filayn.

Rutte wuxuu carrabka ku adkeeyey in ay muhiim tahay in dalalka NATO ay go’naadaan in ay kordhiyaan kharashaadka difaaca. Shir-madaxeedka NATO ee soo socda oo lagu qaban doono magaalada Hague (HEEG) bishan Juun 24-keeda & 25-keeda, madaxda ayaa doonaya in ay isla meel dhigaan in kharashaadka difaaca la gaarsiiyo 5% dakhliga guud ee dalalka. “Waxaan ka dhigi doonaa NATO mid caddaalad ah oo aan si siman ugu qeybsano culeyska ammaanka,” ayuu yiri Rutte, isagoo xusay in Mareykanka uu inta badan qaadayay culayska. Wuxuu intaas ku daray in Yurub iyo Canada ay waajib ku tahay in ay kaalin weyn ka qaataan.

Warbixintu waxay sheegtay in Ruushka, oo ay taageerayaan Shiinaha, Waqooyiga Kuuriya, iyo Iiraan, uu sannadkan soo saarayo 1,500 taangi, 3,000 gaari oo gaashaaman, iyo 200 gantaal oo Iskander ah—taas oo ka dhigan in uu aad uga horreeyo NATO.

Rutte wuxuu ka digay in gantaallada cusub ee xawaare sare leh ee Ruushka ay si weyn u yareeyeen wakhtiga falcelinta ee magaalooyinka Yurub, taas oo kordhineysa baahida loo qabo diyaar-garow xoog leh.

“Ammaanka nabadda laguma helo rabitaan kaliya, waxaa lagu helaa diyaar-garow,” ayuu yiri Rutte. “Rajo keliya ma aha istiraatiijiyad.”

Hadafka cusub ee ah in la gaaro 5% kharashaadka difaaca waxa uu ku saleysan yahay baahida dhabta ah ee loo qabo in la xoojiyo awoodda NATO.

Wasiirrada difaaca waxay horey isugu raaceen yoolal muhiim ah: kordhinta difaaca cirka iyo gantaallada 400%, soo iibsashada kumanaan gaari oo gaashaaman iyo malaayiin rasaas ah, iyo xoojinta adeegyada muhiimka ah sida gaadiidka, caafimaadka, iyo sahayda ciidamada.

Dalalka xubnaha ka ah NATO waxay sidoo kale maalgelin doonaan in ka badan 700 diyaaradood oo F-35 ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), gantaallo fog oo wax ku ool ah, iyo horumarinta goobaha ay ku shaqeeyaan sida hawada sare iyo ammaanka internetka (cybersecurity).

“Maalgelintan kuma koobna oo kaliya in la muujiyo awoodda—waxay tahay in la ilaaliyo hal bilyan oo qof,” ayuu yiri Rutte.

Wuxuu hadalkiisa ku soo xiray isagoo markale xaqiijiyey taageerada NATO ee Ukraine, isagoo sheegay in ujeeddada aysan ahayn in dagaalka la dheereeyo, balse ay tahay in Ukraine ay awood u yeelato in ay iska difaacdo isla markaana ay ka hortagto weerarro mustaqbalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed