Natiijo yaab leh oo ka soo baxday Imtixaanka Fasalka 12aad ee Iskuulada Itoobiya

Dalka Itoobiya waxaa ka soo baxday natiijo yaab xambaarsan imtixaanaadkii fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee sanadka 2016 ee Itoobiya.

Guud ahaan dalkaasi waxaa imtixaanka u fariistay 674,823 arday waxaa ka gudbay oo 50% iyo wixii ka sareeya keenay 36,409 oo ah arday oo ka dhiganta boqoley ahaan 5.4% oo kaliya halka sanadkii hore ay ka ahayd 3.1%. Dalka oo dhan guud ahaan 1,363 dugsi ayuusan hal arday ah ka gudbin.

Deegaanka Soomaalida:

Waxaa imtixaanka fariistay 21,225 arday, waxaana gudbay 261 arday oo kaliya oo u dhiganta 1.2% kuwaasi oo keenay 50% iyo wixii ka sareeya. 158 Dugsi ayuusan hal arday ah ugudbin. Halka sanadkii hore (2015 waa sanadka Itoobiya) ay gudbeen 74 arday oo qura.

Deegaanka Soomaalida sanadkan ardayda gudbaysa ayaa korortay 250%. Hal dugsi ayay ardaydiisa oo dhan (100%) gudbeen. Sadex arday oo deegaanka ah ayaa kamid noqday ardayda ugu dhibcaha sareysa dalka Itoobiya oo idil.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed